Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Beeleed geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Maanta ka dhacay degaan lagu magacaabo Balli-soofe oo ka tirsan degmada Galdogob ee gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Puntland.Labada maleeshiyo Beeleed ayaa wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan inay isku geystaan dhul kuyaalla Balli-soofe, waxaana dagaalka oo socday ku dhawaad saacad ay ku dhinteen dad isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad Shacab ah.Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ilaa lix Ruux ay dagaalka ku dhinteen tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen, waxaana sidoo kale dagaalka uu sababay inay barakacaan qaar kamid ah dadkii deganaa Tuulada.Bulshada degaanka Balli-soofe oo qaarkood la hadlay Warbaahinta ka howlgasha degaannada Puntland ayaa sheegay inay soo wajahday cabsi xoogan oo la xiriirta in la beegsado maadaama dagaalka uu yahay mid u dhaxeeya laba maleeshiyo Beeleed.Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in saacadaha soo socda lagu wado in Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland uu diraan Ciidamo aad u farabadan si ay u kala dhex-galaan dhinacyada dagaalamay.Degaannada Puntland sigaar ah Gobolka Mudug ayaa dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay waxaa ku badanayay colaad Beeleedyada, kuwaas oo qaarkood uu xal ka gaaray Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland.