Qaramada Midoobay ayaa ka digeysa dhibaatooyin caafimaad iyo macluul daran oo ka dillaaca waddanka Koonfyrta Sudan, xilli ay sidoo kale dhici karto in xaaladda dalkaasi ay uga sii darto duufaanta El Niño, oo ah cimilo wadata kuleyl iyo roobab xad-dhaaf ah.Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 6.3 milyan oo dadka Koonfurta Sudan ah ay la il-daran yihiin gaajo aad u daran, iyada oo in ka badan 9 milyan oo ka mid ah dadka dalkaas oo 12 milyan ah ay ku tiirsanaan doonaan gargaar bani’aadannimo.Hay’adaha Caalamiga ah ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay ka digayeen duufaanta El Niño taas oo laga cabsi qabo inay ku dhufato meelo badan oo kamid ah Duniyada.
Digniin laga soo saaray macluul ka dillaacda Koonfurta Sudan
previous post