
Dabka ayaa ka kacay foorno lagu Dubo buskudka iyo Xalwada oo ku taalla Suuqa Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle, sigaar ah Xaafada Hanti-Wadaag, waxaana dabka ka dhashay khasaaro hantiyadeed.Dabka oo an wlei la cadeyn waxa ka dambeeyay in uu kaco ayaa dadaal ay sameeyeen shacabka magaalada Jowhar iyo Maamulka degmada ay ugu dambeyn lagu guuleysteen in la xakameeyo dabka isla markaana la damiyo si uusan ugu fidin ganacsiga kale ee Suuqa.Weli lama cadeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay damka, waxaana ay aheyd markii 28-kii Bishii la soo dhaafay ee Agoosto uu dab xoogan ka kacay Goobo Ganacsi oo kuyaalla dhinaca Waqooyi ee Suuqa Hanti-wadaag, kaas oo baabiβiyay Goobo Ganacsi.