Madaxweynaha Dawladda Ethiopia, Sahle Work Zewde ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga uga guddoontay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia, Cabdullaahi Maxamed Warfaa.Munaasabad hab-maamuuskeedu sarreeyo oo ka dhacday aqalka Madaxtooyada Ethiopia ee Addis Ababa ayaa lagu qaabbilay Danjire Warfaa iyo qaar kamid ah Diplomaasiyiinta safaaradda.Madaxweyne Sahle Work Zewde iyo Danjire Warfaa oo kulan gaar ah ku wada yeeshay Xarunta Madaxtooyada ayaa kulankooda waxaa ay uga wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.