Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha KMG ah ee SSC Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Hoggaamiye Firdhiye warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta deegaanada SSC.Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo wada-hadal.Hoggaamiyaha maamulka SSC ayaa magaalada Muqdisho ku yimid casuumad uu u fidiyay Ra’isul Wasaare Xamse Barre , waxaana hoggaamiyaha Muqdisho loogu soo dhaweeyay aad u heersareysa.