Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo Xubno katirsan Al-Shabaab.Dagaalka ayaa wararka aan helnay waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerar qarax ku billaawday ku qaadeen Saldhiga Ciidada dowladda iyo kuwa degaanka ee Burujeed oo kuyaalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur.Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ciidamada oo ka warqabay weerarka ay iska difaaceen, isla markaana khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.Ilaa iyo hadda weli lama ogaan khasaaraha ka dhashay dagaalka, hayeeshee Mas’uuliyiin katirsan Maamulka degmada Guriceel ay soo bandhigi doonaan khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalka.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Burujeed ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay halkaasi ka wadaan howlgallo xoogan.
Dagaal ka socda degaan katirsan Gobolka Galgaduud
previous post