Dagaal u dhexeeya ciidanka xoogga dalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo dagaalamayaasha Al-Shaabab ayaa waxaa uu haatan ka socdaa deegaanka Burujeed oo u dhexeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.Dagaalkan ayaa waxaa uu bilowday, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar aroortii hore ee saaka ku qaadeen deegaanka Burujeed oo ay ku sugnaayeen ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo maalmihii lasoo dhaafay halkaasi lagu diyaarinayay.Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarkii dhacay, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egtahay, sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa sheegay inay iska caabiyeen Shabaabka.Wararka ayaa intaas kusii daraya in deegaanka Burujeed ee Gobolka Galgaduud iyo meelo ku dhow ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan ciidamada iskaashanaya, kuwaasi oo doonaya inay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen aagaasi.Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug oo ay uga hadlayaan khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Burujeed.Si kastaba, qeybo badan oo kamid ah Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka socda howlgalo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, waxaana xusid mudan in muddooyinkii ugu danbeeyay ciidamada ay wadeen dadaalo ay ku doonayaan inay ku qabsadaan deegaano ay ku sugan yihiin Shabaabka.
Dagaal xooggan oo ka socda Duleedka Guriceel iyo faah faahino kasoo baxaya
previous post