Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeelanaya Magaalada Garowe ee caasimada Puntland .
“Ajandaha Fadhiga maanta waxaa laga saaray qodobka khilaafkii ka badan dhaliyay ee xeerka doorashooyinka qof iyo cod, oo qaadi gebi ahaanba laga saaray Ajandaha ” sidaas waxa warbaahinta Risaala u xaqiijiyay ilo wareedyo ku sugan Magaalada Garowe .
Wararka ayaa sheegaya in qodobka ajandaha laga saaray, kadib markii uu khilaaf ba’an ka dhex abuuray xildhibaanada Baarlamanka Puntland, islamarkaana saamayn ku yeeshay habsami-u-socodka shaqada golaha.
Dhinaca kale, guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay guddi ka kooban 10 xubnood oo ay iska soo saareen haween muddaharaad ka dhigayay afaafka hore ee xarunta golaha Wakiiilada Puntland ee garowe, kuwaas oo xildhibaannada ka dalbanayay in ay nabadda in aysan shacabka Garowe Colaad u horseedin.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo xiisad siyaasadeed ka taagan tahay arrimaha doorashada madaxtinimada Puntland oo ay ku muransan yihiin Madaxda puntland iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah.
Maamulka madaxweyne Siciid Deni ayaa doonaysa in doorashada Baarlamanka iyo madaxtooyada Puntland ee soo socota lagu qabto hannaanka qof iyo cod, halka siyaasiyiinta mucaaridka ah doonayaan in lagu galo nidaamkii 66 xildhibaan.