xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Axad ah waxa ay ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna caasimadda KMG ah ee Jubbaland.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyaha mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka oo uu kamid yahay Guddoomiyaha hay’adda Maareeynta Musiibooyinka, Xildhibaano iyo xubno ka socda hay’addaha Gargaarka.
Ujeedka safarka Xamse Barre ee Kismaayo ayaa waxa uu salka ku hayaa sidii uu usoo qiimeyn lahaa xadiga khasaaraha fatahaada wabiga Jubba uu ka geystay deegaano kamid ah Jubbooyinka iyo sidii loo gargaari lahaa dadka ku guryo beelay daadadka soo rogmaday.
Ra’iisul Wasaaraha oo uu wehlinayo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa iney kormeeraan goobaha la dajiyau dadka soo barakaccay, si uu indhihiisa ugu soo arko xadiga khasaaraha, wuxuuna warbixin ka dhageysan doonaa xubnaha gurmadka dadkaasi.
Ammaanka magaalada Kismaayo iyo deegaannada uu socdaalka ku tagayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la geeyay ilaalada gaarka ah ee Xamse.
Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda Elnino, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay isku darsameen gobollladaasi oo dhacay koonfurta dalkeenna Soomaaliya.