Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo xalay ku hoyday Magaalada Kismaayo ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay kulamo kala duwan la qaatay Madaxweynaha Jubbaland, kuxigeenkiisa iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale, iyaga oo ka wada hadlay waxka qabashada dhibaatada fatahaadaha iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Inta uu ku sugan yahay Magaalada Kismaayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa daah furi doono mashaaricyo muhiim u ah Shacabka jubbaland, iyo horumarka deegaanka, sidoo kalena uu la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu booqdo Goobo horleh oo uu fatahaad ka sameeyay Wabiga, halkaas oo dhibaatooyin kala duwan ay ka geysteen.