
Kulan ka dhacay Magaalada Boorama ayaa lagu billaabay aruurinta qaaraanka loogu talo galay Shacabka Falastiiniyiinta ah, waxaana horkacaya mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Somaliland.
Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Somaliland Maxamed Sheekh Aadan Cilmi ayaa sheegay in uu waajib ka saaran yahay sidii loogu gurman lahaa Dadka Reer Falastiin, isla matkaana guud ahaan dadka Somaliland ku nool ay ku ideysan yihiin.
Qaar kamid ah Culimada Somaliland oo kulanka ka hadlay ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in ay dadaalayaan ayna diyaar u yihiin inay caawiyaan walaalahooda Reer Falastiin loogana baahan yahay n guud ahaan Shacanka uu u kaco.
