
Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha taagan ee bani’aadannimo, sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka Koonfur galbeed iyo u diyaar-garowga sidii loo gacan qaban lahaa dadka ay saameeyaan dagaallada dalka lagu xoreynayo Kooxada Al-Shabaab iyo door ku lahaanshaha barnaamijyada xasilinta.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dardargalinta mashaariic loogu talagalay DG KGS oo ay hay’adda SoDMA fulin doonto iyadoo kaashaneysa Wasaradda Gargaarka KGS, mashaariicdaas oo uu maal geliyay Bankiga Aduunka, waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Hay’adda SoDMA iyo hoggaankeeda ugu mahad-celiyay howlaha ballaaran ee hay’addu dalka ka waddo, gaar ahaan howlaha bani’aadannimo ee ay ka fulisay degaannada maamulkaa KGS.