Inta badan madaxda dawlada uu hogaamiyo sargaalka la yiraahdo Khaliifa Xaftar ayaa is casilay kadib dibadbaxyo rabshado wata oo ka socda magalada Banqaasi oo dalka Libya ugu weyn.
Xubno u badan wasiiro iyo xildhibibaano ayaa ku dhawaaqay inay is casileen waxaana wararku sidoo kale sheegayaan in r/wasaare C/lla Al-Thaani uu xilka ka tagay.
Afhayeen u hadlay aqalka wakiiladda oo la yiraahdo Cizadiin Al-Faalix ayaa sheegay in xubnahaan ay isku casileen kadib markii ay xoogeysteen dibadbaxyadu dadku uga soo horjeedaan maamul xumo iyo musuqmaasuq.
Dibadbaxayaashaan oo si weyn uga soo horjeeda dawlada aan la qoonsaneyn ee bariga Libya ka jirta ayaa sidoo kale dabqabadsiiyay xafiiska uu ku shaqeeyo sargaalka la yiraahdo Khaliifa Xaftar.
Dibadbaxayaal caraysan ayaa ku xoogaystay dhawr magaalo oo bariga Libya ku yaala waxaana dibadbaxyadu xoogoodu ka dhaceen magaalooyinka Banqaasi iyo Al-Maraj.
Afhayeen uhadlay Khalifa Xaftar ayaa codasaday in xaaladda la dajiyo waxaana uu sheegay inay shacabka u tanaasuli doonaan.
Xaaladda dalka Libya ayaa qasnayd tan iyo markii ay dhacday dawladii uu m/weynaha ka ahaa Mucamar Al-Qadafi.