Tahriibayaal ay ku jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed oo mudo 40 cisho ah ku xayirnaa gudaha badda Mediterranean-ka ayaa ogolaaday inay ku degaan dalka Talyaaniga.
Tahriibayaashaan oo bishii hore ka baxay dalka Libya ayaa la sheegay inay gaarayaan 27-qof, waxaana ku jirta haweeneyn xaamilo ah.
Mudo 40-cisho ah ayaa Markabkii waday tahriibayaashan loo diidanaa in uu ku xirto wadan kasta, iyadoo ugu dambeyn ay ogolaatay dowladda Talyaaniga.
Xayiraadan mudada dheer qaadatay ee ay la kulmeen Tahriibayaashan ayaa ku soo beegmeysa, xilli Giriiggu uu la daalaa dhacayo in ka badan 12,000 oo muhaajiriin ah, kuwaas oo doonaya inay u sii gudbaan qaaradda Yurub.
Dad badan oo Soomaali ah ayaa ku jira muhaajiriinta tirada badan ee ku xayiran Giriigga, kuwaas oo doonaya inay uga sii gudbaan dalala reer Yurub