
Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Masiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabislan Soomaaliya Md. George Conway, ayaa wadajir u guddoomiyay shir looga hadlay hormarinta iyo adkeynta wada-shaqeynta labada xafiis iyo bogaadinta shaqooyinkii baniโaadannimo ee wadajirka ahaa.
Dhinacyadu waxa ay isla-meel-dhigeen qodobbo muhiim ah, sida; in la xoojiyo midaynta xogta arimaha biniโaadannimada, bilaabidda cilmi baaris ku saleysan wax-ka-beddelka hannaanka gargaar gaarsiinta, sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha iyo in SoDMA goob joog ahaato miisaka ay kooxda Qaramada Midoobay & kooxaha ka shaqeysa baniโaadannimada ku gorfeynayaan xaaladaha dalka ee haโaddu ku lug lahaan karto.
Sidoo kale, waxaa la isku raacay, in hayโadaha SoDMA & OACHA ka wada hadlaan isku-duwidda iyo nidaaminta kooxaha ay wada shaqeyntoodu muhiimka tahay (Clusters), sidii loo tayayn lahaa Wasaaradaha DXDF ee ka shaqeeya arrimaha baiโaadannimada, si ay awood ugu yeeshan ka hor tagga iyo ka jawaabista xaaladaha deg-degga ah iyo in shirka nuucan ahi uu dhaco bishii hal mar si loo wadaago qorshayaasha muhiimka u ah kaalmeynta.