
Munaasabada waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay oo lagu casuumey Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, howlwadeennada Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Howlaha guud Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac oo bilowga hadalka qaatay ayaa soo dhaweeyay dhamaan masuuliyiinta iyo marti sharfta kale ee ka soo qeybgashay munaasabadda xilwareejinta, wuxuna Wasiiru dowlaha cusub ee wasaaradda ugu hambalyeey xilka loo magcaabay wuxuna ilaah uga baryay in xilka culus ee loo dhiibay la garab galo.
Wasiirka Howlaha Guud, Dib udhiska iyo Guryeynta XFS Wasiir Mudane Abdisalam Abdi Ali (Dhaay) ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Wasiiru dowlihii hore muddadii uu joogay xafiiska inuu dadaal ku bixiyay sidii sare loogu qaadi lahaa Howlaha wasaaradda, una rajeeyey shaqadiisa cusub iney unoqoto mid guulo kale ku qaaato.
Wasiirka xilka la wareegay Wasiir Mudane Saciid Maxamuud Xayd ayaa dhankiisa dul istaagey sidey muhiim ugu tahay Wasaaradda Howlaha Guud horumarinta bulshada iyo dowladnimada, wuxuuna uga mahad celiyey wasiirkii hore dadaalladii uu ku bixiyay horumarinta Wasaaradda.
