Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun kasoo saartay dacwad loo heystay dhallinyaro caan ka ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, kuwaas oo ku eedeysanaa kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta anshax xumada.
Dacwadda oo dhameysatay heerarka kala duwan ayaa ugu dambeyntii maanta waxaa xukun ka soo saartay maxkamadda gobolka Banaadir, eedeysanayaasha oo ka koobnaa sagaal gabdhood ayaa toddoba ka mid ah lagu xukumay min lix bilood oo xabsi ah, halka labo qabdhood ay maxkamaddu dib ugu celisay xorriyadooda.
Xukumanaayasha ayaa lagu helay dambiyo ku saabsan kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye, iyo faafinta dhaqamada anshax xumada ah. Dadka xukunka lagu riday oo ah gabdho caan ka ah baraha bulshada ayaa kala ah Sihaam Tahliil, Nashaad Nal, Sacdiyo Galmudug, Iftin Model, Anjal, iyo Farxiyo Zoona.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore isku dayday in ay mamnuucdo isticmaalka barta TikTok, iyada oo mamnuuciddaas ay dhalisay cabasho ka timid dhalinyarada kuwaas oo ku tiirsan dakhli ay ka helaan TikTok. Qaar ka mid ah dhalinyarada ayaa ku doodaya in TikTok uu yahay madal ay kaga faa’iideystaan ganacsigooda, suuq-geynta, iyo abuurista nuxur madadaalo ah, taas oo u suurtagelineysa in ay helaan il dhaqaale oo muhiim u ah noloshooda.
Xukunka maxkamadda ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli bulshada Soomaaliyeed ay ka doodayaan saameynta baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, oo noqday madal ay dad badan ku faafiyaan fikrado iyo dhaqamo kala duwan. Xeer-ilaalinta ayaa ku doodday in gabdhaha la xukumay ay ku xadgudbeen anshaxa bulshada iyo nabadgelyada guud, taas oo keentay in tallaabo sharci ah laga qaado.