
Qalabkan caafimaad iyo dawooyinka oo ka koobnaa dhowr tan, ayaa loogu talagalay xarumaha caafimaadka ee ku yaal guud ahaan Gobolka Baay, iyadoo la gaarsiin doono dhammaan xarumaha caafimaadka ee uu taageero mashruuca damal caafimaad si loogu adeego bulshada, looguna daboolo baahiyaha jira. Munaasabada oo ka dhacday gudaha Isbitaalka Gobolka Baay ayaa waxaa ka soo qeybgalay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka, masuulyiin ka socday Hay’adda ACF iyo marti sharaf kale.
Wasiirka iyo Agaasimaha Guu ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa si wadajir ah uga mahadceliyay Hay’adda ACF dadaalkeeda ku aadan sidii xarumaha caafimaadka ay u heli lahaayeen agabyada caafimaad iyo dawooyinka ee muhiim ka u ah howlaha naf badbaadin.
Wasaaradda Caafimaadka DKGS ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii loo xaqiijin lahaa in xarumaha caafimaadka degmooyinka iyo deegaanada KGS ay gaaraan daawooyiin iyo qalabyada caafimaadka si loogu adeego bulshada.
