Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo Masar ayaa markii ugu horreysay taariikhda sameyn doona dhoolatus militari oo heer sare ah, kaasoo ka dhici doona gudaha Soomaaliya. Dhoolatuskan ayaa waxaa ka qeyb qaadan doona ciidanka dhulka, badda, iyo cirka ee labada dal, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Masar.
In kasta oo aan la shaacin taariikhda rasmiga ah ee dhoolatusku bilaaban doono iyo tirada ciidamada ka qeybgalaya, haddana tallaabadani waxay ku soo beegmaysaa xilli iskaashiga militari ee Soomaaliya iyo Masar uu sii xoogaysanayo. Waxaa la filayaa in Qaahira ay Soomaaliya u soo dirto kumannaan askari, kuwaas oo saldhigyo ka sameyn doona gudaha dalka, iyagoo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika. Ciidamadan ayaa sidoo kale lagu sheegay inay door muhiim ah ka ciyaari doonaan dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada Soomaaliya.
Dhoolatuskan militari wuxuu ku soo aadayaa xilli ay cirka isku shareertay xiisadda u dhaxeysa Masar iyo Soomaaliya oo dhinac ah iyo Itoobiya oo dhinac ah. Waxaa la rumeysan yahay in xaaladaha ka taagan gobolka ay saameyn ku yeelan karaan howlgalka iyo iskaashiga militari ee Soomaaliya iyo Masar.