Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa saacadihii lasoo dhafay sameeyay howgallo culus oo ka dhan ah AS.
Howgalladii ugu dambeeyay oo ay sameeyeen Ciidamada xooga dalka iyo kuwa Jubbaland kana sameeyeen aagga Dhasheeg Waamo ayaa Saraakiisha Ciidanku sheegeen in lagu dilay xubin sare oo ka tirsan dagaalamayaasha AS.
Deegaannada howgalka laga fuliyay ayaa waxaa ka mid ah, Dharkeen Urur iyo Orgiyoow oo katirsan gobalka Jubada hoose. Horjoogaha la dilay ayaa bulshada ku ahaa Qodax ku taagan.
Saraakiisha Ciidanka ee howgalka hoggaaminayay ayaa dagaalamaha saree e ay dileen ku sheegay Maxamuud Cali Xuseen oo magaciisa afgarshada ee AS uu yahay (Qayliyoow) dadka degaankana ay u yaqaanay (Goobe).
Masuuliyiinta Ciidanka Xoogga ayaa intaas ku daray in Qeyliyoow oo xubin muhiim u ahaa AS waxa uu u qaabilsanaa sahanka, sirdoonka, miinooyinka dhulka lagu aaso iyo sahminta xerooyinka la weerarayo.