Maxuu Xasan Sheekh oo isugu yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka? written by Warsan Radio 29/10/2024 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan casho sharaf ah ku martiqaaday xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulankan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ayaa qeyb ka ah dadaallada xukuumadda ee ku aaddan isku keenidda aragtiyada iyo taageerada xubnaha Baarlamaanka, xilli ay socdaan diyaar-garowga doorashooyinka.Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa la soo gaarsiiyay farriimo rasmi ah oo ku saabsan inay caawa ka soo qaybgalaan kulankaasi. Warar ka ag dhow Madaxtooyada ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha uu qorsheynayo inuu ka codsado xildhibaannada in muddo bil ah lagu daro kalfadhiga Baarlamaanka oo la filayo inuu dhowaan soo xirmo. Codsigan ayaa la sheegay inuu la xiriiro arrimo muhiim ah oo ay tahay in la dhameystiro ka hor inta aan kalfadhiga la soo gabagabeyn.Sida lagu helayo warar ka imanaya ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada, dowladda ayaa ka codsan doonta xildhibaannada inay ansixiyaan hindisayaasha doorashooyinka iyo in ay taageeraan magacaabista guddiyada muhiimka ah ee qabanqaabada doorashada, kuwaas oo door weyn ka qaadan doona hannaanka soo socda ee siyaasadda dalka.Kulankan ayaa imaanaya iyadoo ay weli natiijo la’aan tahay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, kadib markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu isaga baxay shirkaas, arrintaas oo dib u dhigtay go’aanno muhiim ah oo la xiriira doorashooyinka, kuwaas oo la filayay in lagu dhawaaqo ka hor inta aan Baarlamaanka la fasixin. Xaaladdan ayaa dhalisay walaac ku saabsan waqtiga iyo hannaanka ansixinta arrimaha la xiriira doorashada oo laga yaabo inay dib u dhacaan haddii aan heshiis rasmi ah laga gaarin.Kulankan caawa ayaa noqday mid si gaar ah loo hadal hayo, iyadoo la sugayo tallaabooyinka ku xigi doona iyo sida xildhibaannada uga jawaabi doonaan codsiyada madaxweynaha ee ku saabsan sii wadista kulamada kalfadhiga iyo ansixinta shuruucda doorashooyinka. Maxuu Xasan Sheekh oo isugu yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka? was last modified: October 29th, 2024 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝗶𝗴𝗴𝗮 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝗗𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚 𝗗𝐡𝐚𝐚𝐰𝐚𝐜𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝗫𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝗗𝐞𝐠-𝐝𝐞𝗴𝐠𝐚 𝐚𝐡 next post Guddiga arrimaha gudaha dib-u-heshiisinta federaalka ayaa maanta yeeshay kulankoodii 20-aad You may also like Mareykanka Oo Bur-Buriyey Diyaaraddo Ay Leeyihiin Xuutiyiinta Yamen 08/06/2024 Kiiskii ugu horeeyay ee Coronaha cusub oo laga helay dalka Maraykanka 30/12/2020 Ciidanka xoogga oo fuliyay howlgal lagu burburiyay fariisimo ay lahaayeen AS 04/02/2024 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 26/06/2021 Dhageyso;- Barnaamijka Bandhiga ee Idaacada Warsan 29/05/2022 Dhageyso:- Warka Fiidnimo ee Idaacda Warsan 10/03/2022 Su’aal weydiinta Qabiirka ee Barnaamijka Beeraha 21/03/2022 Dhuusamareeb oo lagu qabtay xaflad lagu soo xiraayay shirka (SAWIRRO) 24/07/2020 Dowladda Soomaaliya oo sheegtay iney dib u fureyso baarista kiiska saxafi la dilay 9 sano ka hor 10/07/2020 Wasiirka Bartoolka oo Qirtay inaan wax weyn laga bedelin Heshiiska Shidaalka ee muranka dhaliyey 02/11/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.