
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa bishan 10-keedii sheegay in Shidaalka Turkiga uu bilaabi doono howlo sahamin Shidaal iyo Gaas ah Seddex goobood oo ku yaalla Soomaaliya bilaha soo socda. Shirkadda Shidaalka ee Turkiga iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed ayaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ku kala saxiixday heshiiska baarista iyo soo saarista kaarboonka laga dhaliyo.
“Howlaha sahaminta Saliidda iyo Gaaska ayaa bilaha soo socda ka bilaaban doona Seddex goobood oo muhiim ah oo xeebta ku yaalla oo gaaraya ku dhawaad (16,000) oo kiiloomitir laba jibaaran”, ayuu yiri Bayraktar. “Wejiga koowaad wuxuu noqon doono cilmi baarista Seismic, kadibna waxaa ku xigi doonaan howlgalo qodis ah, iyadoo ujeedadu tahay in la ogaado lagana soo saaro Saliid iyo Gaaska goobahaasi”, ayuu sii raaciyay.
