
Xisaabiyaha guud ee Qaranka, Cabdiraxmaan Maxamed Anas ayaa sheegay in Soomaaliya si buuxda u qaadatay Nidmaaka Casriyaysan ee Maaliyadda oo fududeynaya bixinta lacagaha muddo kooban xitaa haddii Agaasime uu maqan yahay.
Cabdiraxmaan Maxamed Anas, Xisaabiyaha guud ee Qaranka ayaa bogaadiyay Bangiga Dhexe ee Dalka oo gacan ka gaystay, waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay awooddo inay Mushaarka ku bixiso maalin qura halka Dalal kale ay ku qaadato todobaad.
“Soomaaliya si buuxda waxa ay u qaadatay casriyaynta Nidaamka Maaliyadda Dalka, keliya ma ahan in saxiixii la danabeeyay balse intaas way ka ballaaran tahay faa’iidooyinka lagu qabo, lacag bixin Dowladda waxa ay maraysay ilaa 24 tallaabo, lacag bixinnada qaar waxa ay qaadanaysay ilaa labo bilood iyo xoogaa, midda ugu yar ee nalagu amaanay waxa ay qaadatay 15 beri, waxa aan hadda soo yareenay oo aan keenay ilaa 10 & kasii yar, hadda waxa aan awoodeynaa in aan ku bixino 24 saac gudahood” Cabdiraxmaan Maxamed Anas, Xisaabiyaha guud ee Qaranka.
“Agaasimeyaasha la dhihi jiray safar ayay ku maqan yihiin meeshooda ayay kasoo saxiixayaan, In adeegga Dowladda u haysto shacabka iyo ajaanibta kale ee dalka joogta la fududeeyo waan ku dedaalnay, maanta hadalkeenna ugu weyn in aan caalamka gaarsiino inay Soomaaliya tallaabsatay” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdiraxmaan Maxamed Anas, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.
16kii Bishaan Agoosto 2025, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa daah-furay saxiixa Dhijitaalka ah, waxa uu xiligaas sheegay in tani ay astaan u tahay ballanqaadkii Dowladda ee la xiriiray dhismaha nidaam Maaliyadeed oo casri ah, daah furan isla markaana ku dhisan isla xisaabtan & Kalsooni buuxda.