Dalal raadinaya inay ku biiraan NATO written by Warsan Radio 11/05/2022 Dalalka Finland iyo Sweden ayaa la filayaa in ay codsadaan inay ku biiraan gaashaabuurta NATO dabayaaqada bishan. Arrintan ayaa jawaab u ah duullaankii Ruushka ee dalka Ukraine. Labada waddan ayaa sheegay in falalka Moscow ay beddeleen hanaankii amniga ee Yurub, iyada oo hanjabaadda Ruushka ee adeegsiga hubka nukliyeerka ay uu baahan tahay is difaacid si wadajir ah loo sameeyo, taas oo NATO ay dammaanad qaadi karto.Sharci-dejiyeyaasha Finland ayaa ka doodaya ku biiridda gaashaanbuurta, ka dib dhowr qoraal oo dhinaca amniga ah oo horaantii bishan soo baxay. Go’aan ayaa la filayaa maalmaha soo socda.Wasiirka Arrimaha Yurub ee dalka Finland Tytti Tuppurainen ayaa VOAda u sheegay in ay iska caddahaay in wax walbaa isbeddeleen illaa markii Ruushku uu bilaabay dadagaalka Ukraine.Tuppurainen ayaa sheegay in doodaha baarlamaanka ee gudbinta codsi rasmi ah horumar weyn laga sameeyey.Xisbiga Social Democrat ee dalka Sweden ayaa la filayaa inuu go’aan codsi ku biiridda NATO ah uu ku dhawaaqo 15ka bishan May. Labada waddan ayaa ka fikiraya in hal marka ay codsiga wada gudbistaan. Dalal raadinaya inay ku biiraan NATO was last modified: May 11th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Akhriso:- Magacyada Musharrixiinta Maanta khudbadaha jeedinaya next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Maamulka Puntland oo shir deg deg ah ka yeelanaya Amniga doorashooyinka 11/10/2021 Tallaalka COVID-19 Oo Maanta laga daahfurey magaalada Xudur ee Bakool 06/04/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 13/08/2019 100 qof oo ku dhintay isku dhacyadii dhexmaray Canfarta iyo Soomaalida 07/04/2021 Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka dhacay Boosaaso 23/12/2021 Gollaha Ammaanka ee QM oo si adag u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho 02/11/2022 Dhageyso:-sheekada nabada 31/07/2021 Duqeymo xoogan oo ka dhacay Gobolka Hiiraan 16/02/2023 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 12/06/2021 NISA oo gacanta ku dhigtay 28 Qof oo doonayay inay AL-Shabaab ku biiraan 07/11/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.