
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa la sheegay in 4 qodob ay ka codsanayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hirgeliyo kahor inta aan la gaarin 15ka May 2026 oo ku siman muddo xileedkiisa dastuuriga ah.
4ta qodob ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay ka codsanayaan maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa
1-Qabashada doorashada Dowlad Gobaleeeyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.
Tani waxa ay hormuud u tahay in marka hore sharciyad dastuuri loo raadiyo Madaxweyneyaasha Saddexdaas Dowlad-Goboleed oo u dhow dhanka Dowladda Federaalka ee kala ah Galmudug, Hirshabeelle & Koofur Galbeed.
Waxa ay doonayaan in doorashooyin dadban lana mid ah kuwii ka dhacay Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland in laga qabto Dhuusamareeb, Jowhar iyo Baydhabo si loo xaqiijiyo saddex maamul oo sharciyad haysta.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya in ay dhacdo Doorasho qof iyo cod ah ayaa la sheegay in uu hortaagan yahay doorasho dadban in ay ka dhacdo Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.
2- In laga heshiiyo nuuca doorasho ee Baarlamaanka & tan madaxweynaha Dalka.
Mucaaradka ayaa soo jeediyay inta uusan dhammaan muddo xileedka Baarlamaanka 11aad oo ku siman April 2026 in laga heshiiyo qaabka doorashadoodu noqon doonto.
Waxa uu Mucaaradku soo jeediyay in dib loogu laabto Doorashadii dadbanayd ee lagu soo doortay isla Baarlamaankaan sanadkii 2022, taasi oo isugu jirtay in Golaha Shacabka ay soo doortaan ergo lasoo xulay halka Senatarrada aqalka sare ay soo doortaan Dowlad-Goboleedayda.
Mucaaradka ayaa ka siman in la kordhiyo ergada wax dooranaysa si aysan u dhicin doorasho xuluasho ah sida tii dhacday Xiligii uu talada hayay Madaxweynihii 9aad ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo raad aan la mahdin reebtay.
3-In lagu dhaqmo dastuurkii 2012.
Halkaan marka la eego waa meesha ugu adag ee buundooyinka ku horgudban yihiin maadaama mucaaradka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka codsanayo in lagu dhaqmo dastuurkii KMG ahaa ee la meermariyay sanadkii 2012 iyada oo la laalayo qodobada cusub ee wax ka baddelka lagu sameeyay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay in waqti iyo dhaqaale lagu bixiyay wax ka baddelka Dastuurka Dalka sidaas awgeedna soo jeediyay in miiska lasoo dhigi karo qodobada qaar si markale looga doodo.
4-Dhisidda Guddi si hufan uga shaqeeya doorashada lagu heshiiyo.
Tani waa soo jeedinta ugu wayn ee Mucaaradka, waxa uu masaafo fog ka dheeraanayaa in guddiga maamuli doonna doorashada waa haddii heshiis laga gaaro qodobada ka horreeya in uu noqdo mid ay kalsooni buuxda ku qabi karaan xubnahaan.
Xubno katirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa Mustaqbal u sheegay in sababta shalay baajisay shirka ay la lahaayeen Madxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay tahay kaddib markii Madaxweynuhu uu diiday guddi loo diray Jimcihii oo si gaar ah ula kulmi rabay balse uu u sheegay in fadhiga guud uu guddigaas dhex keenno waxyaabaha uu xambaarsan yahay.
Haddaba, suuragal ma tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si dhammaystiran u aqbalo afarta codsi ee Mucaaradka wato?
