
Qiimaha Shidaalka magaalada Muqdisho ayaa kordhay 84% boqolkiiba muddo ka yar toddobaad oo uu socdo dagaalka Iiraan oo dhinac ah iyo Mareykanka & Israa’iil.
Waxaa soo baxaya baaqyo loo dirayo Dowladda iyo Ganacsatada, si looga hortago in dhibaatada ay saameyso dadka danyarta ah ee Soomaaliyeed.
Sida ay noo xaqiijiyeen dadka shacabka ah iyo ganacsatada iibisa Shidaalka, laga soo billaabo 28 bishii hore Febraayo shidaalka saacad kasta waxaa ku kordhaya qiimo cusub.
Tusaale, 28 bishii Febraayo shidaalka wuxuu ahaa $0.65 halka uu maanta maraya $1.2.
Marka la isbarbardhigo qiimihii hore iyo kan maanta, waxaa muuqata in shidaalku uu kordhay qiyaastii 84% muddo aad u kooban gudaheed.
Sare u kacan degdegga ah ayaa saameynaya adeegyada bulshada sida gaadiidka dadweynaha, maadaama darawalada mootooyinka iyo basaska ay ku khasbaadeen inay kordhiyaan qiimaha si ay u daboolaan kharashka shidaalka ee qaaliga noqday.
Sidoo kale, saameyntu kuma koobna kaliya gaadiidka, balse waxay gaari kartaa heer sicir barar saameyaa nolosha bulshada Soomaaliyeed.
Dhaqaaleyahannada ayaa tilmaamaya in lagama maarmaan tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo farogaliso arrinkaan, isla markaasna ay si dhow ula socoto sicirka suuqa si looga hortago in ganacsatadu ay si sharci darro ah u kordhiyaan qiimaha.
Sidoo kale, ganacsatada waaweyn ee shidaalka soo dejiya ayaa loogu baaqay in ay muujiyaan mas’uuliyad iyo u naxariisashada shacabka, iyagoo isku dayaya ka dhigaan qiimaha mid macquul ah oo saameyn nolosha dadka danta yarta ah.
Markasta oo dunida isbadal ama dagaal ka dhaco, waxaa jira nidaam gaar ah oo u degsan ganacsiyada, kaasi oo ku saleysan in markasta laga fakiro danaha bulshada lagana fogaado sicir barar.
