Wariye Mascuud Warsame ayaa dib u helay xorriyaddiisa, kadib muddo bil iyo siddeed maalmood ah (38 maalmood) oo uu ku xirnaa, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta loo xiray iyo goobtii lagu hayay.
Xabsiga Wariye Mascuud Warsame ayaa muddo dheer walaac ku abuurtay bahda saxaafadda Soomaaliyeed, gaar ahaan maadaama aan si cad loo ogeyn eedda loo haysto, isla markaana aan muddo ka badan bil lagu horgeyn maxkamad si loo caddeeyo sababta xariggiisa.
Wararka maanta soo baxaya ayaa xaqiijinaya in Mascuud Warsame uu hadda xor yahay, taas oo soo afjartay muddadii uu ku jiray xannibaadda.
Xarig aan faahfaahintiisa la shaacinIntii uu xirnaa Wariye Mascuud Warsame, waxaa jiray baaqyo isdaba joog ah oo ka imaanayay wariyeyaasha iyo ururrada u dooda xorriyadda saxaafadda, kuwaas oo dalbanayay in la caddeeyo sababta loo xiray iyo in haddii ay jiraan eedeymo sharci ah si waafaqsan sharciga maxkamad loo horkeeno.
Si kastaba ha ahaatee, muddadii uu xirnaa ma jirin war rasmi ah oo faahfaahsan oo shacabka loogu sheegay eedda loo haysto, goobta lagu hayo ama tallaabada sharci ee laga qaaday.
Xorriyaddiisa oo la soo dhaweeyaySii-deynta Mascuud Warsame ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay bahda saxaafadda iyo dadka u ololeeya xorriyadda hadalka, kuwaas oo muddo dalbanayay in wariyaha dib loogu soo celiyo xorriyaddiisa.
Kiiska Mascuud ayaa sidoo kale mar kale soo celinaya doodda ku saabsan ilaalinta xorriyadda saxaafadda, xuquuqda wariyeyaasha iyo muhiimadda ay leedahay in qof kasta oo la xiro loo caddeeyo sababta xariggiisa, lana horgeeyo hay’adaha garsoorka haddii ay jiraan eedeymo loo haysto.
38 maalmood oo su’aalo badan reebayInkasta oo Mascuud Warsame uu maanta xorriyaddiisa dib u helay, haddana weli waxaa taagan su’aalo la xiriira sababta loo xiray, cidda amartay xariggiisa, goobtii lagu hayay iyo haddii ay jireen eedeymo rasmi ah oo loo jeediyay.
Warsan Radio ayaa sii wadi doonta la socodka xaaladda Wariye Mascuud Warsame iyo wixii faahfaahin rasmi ah ee kasoo baxa xariggiisa iyo sii-deyntiisa waxaan isku dayi doonaa inaan laxiriirno ilaa hadda nooma suurto galin.
