Baydhabo, 10 Agoosto 2026 β Ku-simaha Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Faysal Maxamed Duuble, ayaa magacaabay Abshir Maxamed Ibraahim inuu noqdo Guddoomiyaha Deegaanka Lafaale ee Gobolka Bay.
Magacaabistan ayaa lagu sheegay qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Ku-simaha Guddoomiyaha Degmada Baydhabo iyo Duqa Magaalada, kaas oo ku taariikheysan 10/08/2026, kuna socday masβuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeennada Degmada Baydhabo, Maamulka Gobolka Bay, Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Bay iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed.
Qoraalka ayaa si cad loogu magacaabay Abshir Maxamed Ibraahim inuu yahay Guddoomiyaha Deegaanka Lafaale, iyadoo lagu amray inuu si rasmi ah ula wareego maamulka iyo masuuliyadda deegaanka.
Xafiiska Duqa Magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale sheegay in maamulka cusub laga doonayo inuu guddoomo waajibaadka loo igmaday, isla markaana uu la shaqeeyo maamulka degmada iyo hayβadaha kale ee dowladda.
Magacaabistan ayaa qayb ka ah tallaabooyinka lagu xoojinayo maamulka deegaanka Lafaale, iyadoo guddoomiyaha cusub loo igmaday inuu hoggaamiyo howlaha maamulka, amniga iyo adeegyada bulshada ee deegaanka.
Warsan Radio ayaa ogaatay in magacaabista rasmiga ah lagu cadeeyay qoraalka uu saxiixay Faysal Maxamed Duuble, Ku-simaha Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Baydhabo.
Hoos ka aqriso wareegtada

