Khariidad cusub oo ay soo saartay Xarunta Belqees ee Daraasaadka ayaa muujinaysa baaxadda joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, iyadoo ciidamada howlgalka ay ku kala sugan yihiin 56 saldhig ciidan oo ku yaalla shan waaxood oo waaweyn.
Xogta xaruntu soo bandhigtay ayaa tilmaamaysa in Uganda ay tahay dalka ugu badan ee saldhigyada ciidamada ku leh Soomaaliya, iyadoo leh 22 saldhig, halka Itoobiya ay leedahay 15 saldhig, Kenya 8, Jabuuti 6, halka Burundi ay leedahay 5 saldhig.
Guud ahaan, ciidamada AUSSOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa 11,826 askari, kuwaas oo qayb weyn ka qaata howlaha amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Joogitaanka ciidamada Afrikaanka ah ayaa si weyn ugu tiirsan taageero caalami ah, gaar ahaan adeegyada ay bixiso UNSOS, oo ay ka mid yihiin gaadiidka, sahayda iyo saadka, isgaarsiinta, daad-gureynta caafimaadka iyo taageerada howlgalka.
Hase yeeshee, mustaqbalka taageeradan ayaa wajahaya hubanti laβaan sii kordheysa, kaddib markii Mareykanku goβaansaday inuusan sii wadin taageerada UNSOS wixii ka dambeeya 31-ka December 2026.
Xarunta Belqees ayaa daraasad ay cinwaan uga dhigtay (No Time to Drift) uga digtay in dhammaadka sannadka 2026 uu Soomaaliya u horseedi karo marxalad amni oo xasaasi ah, haddii aan la helin qorshe cad oo dhaqaale iyo amni oo lagu maareeyo kala-guurka.
Xaruntu waxay ku baaqday in la dejiyo qorshe nidaamsan oo lagu wareejinayo masβuuliyadaha amniga ciidamada Soomaaliyeed, si looga fogaado in dalka uu galo firaaq amni ka dhasha dhimista ama bixitaanka ciidamada Afrikaanka iyo hoos u dhaca taageerada caalamiga ah.
Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa hadda wajahaya caqabad weyn oo ah sidii masβuuliyadda amniga loogu wareejin lahaa ciidamada Soomaaliyeed, iyadoo AUSSOM ay weli si weyn ugu tiirsan tahay taageero dibadeed.
Xarunta Belqees waxay ka digtay in hoos u dhac lama filaan ah oo ku yimaada maalgelinta ama taageerada saadka uu cadaadis dheeraad ah saari karo howlgalka AUSSOM iyo dowladda Soomaaliya.
Arrintan ayaa sii adkaan karta maadaama ciidamada Soomaaliya aysan weli si buuxda u gaarin awood ay kula wareegaan dhammaan howlaha amni ee ay hadda qabtaan ciidamada Midowga Afrika.Saddex arrimood oo goβaamin kara mustaqbalka AUSSOM.
Iyadoo la wajahayo dhammaadka 2026, mustaqbalka howlgalka AUSSOM wuxuu u muuqdaa inuu si weyn ugu xirnaan doono saddex arrimood:
Midda koowaad, in la helo maalgelin caalami ah oo joogto ah;
Midda labaad, in la xaqiijiyo taageerada saadka iyo howlgalka;
Midda saddexaad, in ciidamada Soomaaliyeed ay awood u yeeshaan inay si tartiib ah oo qorshaysan ula wareegaan masβuuliyadda amniga.
Haddii aan la helin qorshe cad oo lagu maareeyo kala-guurka, waxaa sii xoogeysan kara walaaca laga qabo in hoos u dhaca taageerada caalamiga ah uu saameyn ku yeesho awoodda ciidamada AUSSOM iyo amniga guud ee Soomaaliya.
