Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryam Qasim, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeelatay Wakiilka cusub ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Soomaaliya (UNDP), Christophoros Politis.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa GMXIQ iyo UNDP, iyadoo labada dhinac ay si gaar ah diiradda u saareen sidii loo kobcin lahaa awoodda Guddiga iyo sidii loo sii xoojin lahaa ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee ku hawlan ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo fursadaha lagu hirgelin karo barnaamijyo wadajir ah oo bulshada Soomaaliyeed loogu adeegayo.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee GMXIQ, Mustafa Axmed Maxamuud, iyo Madaxa Barnaamijyada Dowlad-wanaagga UNDP, Evariste Sibomana.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka uu ku xoojinayo hawlihiisa, iskaashiga uu la leeyahay hay’adaha caalamiga ah iyo gudashada waajibaadkiisa qaran ee ku aaddan ilaalinta, horumarinta iyo difaaca xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.


Warsan Radio — Muqdisho
