Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayo faragelin shisheeye oo uu ku tilmaamay mid looga gol leeyahay in dalka lagu sii hayo ku-tiirsanaan iyo daciifnimo siyaasadeed.
Guddoomiye Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad xasaasi ah oo ka dhalatay ku-tiirsanaanta gargaarka dibadda, dhaqaale xumida, khatarta kooxaha hubeysan, kala-qaybsanaanta iyo siyaasado uu ku tilmaamay kuwo aan wax-soo-saar lahayn.
Wuxuu sheegay in isbeddelka siyaasadeed ee la isku dayayo uu keeni karo caqabado iyo kala-aragti duwanaansho, balse uu muhiim yahay in la isku dayo waddo cusub, iyadoo natiijada kama dambaysta ah loo daayo waxa uu Ilaahay qaddaro.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in looga gudbi karo caqabadaha jira oo keliya isku-duubni, is-aaminaad, isu-tanaasul iyo wada-shaqeyn, isagoo ballanqaaday inuu Golaha Shacabka u hoggaamin doono si mideysan oo si dhab ah u matala danaha shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaa na haysata waqti kooban oo isla markaana xasaasi ah, waxaana ku shaqeyn doonnaa aragti iyo farsamo, si aan u hoggaamiyo Golaha Shacabka oo isku duuban, si dhab ahna u matala shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in baarlamaanka ay saaran tahay mas’uuliyad culus, maaddaama uu wakiil ka yahay shacabka iyo dowlad-goboleedyada, isaga oo xusay in waqtiga haray uu yahay mid kooban isla markaana xasaasi ah.
Hadalkaan ayuu xalay ka sheegay kulan lagu soo dhoweynaya doorashadiisa oo ay ka qeyb galeen madaxda ugu sarraysa dowladda Soomaaliya.
