
Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo dhaweyn heer qaran ah u sameeyay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa 10-kii Agoosto 2026 loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo doorashadiisu ay ka dhacday Muqdisho.
Soo dhaweynta ayaa muujinaysa muhiimadda xilka cusub ee uu qabtay Guddoomiye Cabduqaadir, oo noqonaya masuulka ugu sarreeya ee Golaha Shacabka iyo hoggaamiyaha hay’adda sharci-dejinta dalka.
Guddoomiyaha cusub ayaa xilli siyaasadeed oo muhiim ah la wareegaya hoggaanka Golaha, iyadoo Baarlamaanka horyaallaan hawlo la xiriira sharci-dejinta, isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo xoojinta doorka Baarlamaanka.
Doorashadii Guddoomiyaha ayaa kusoo beegantay iyadoo dalka uu ku jiro marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana laga filayaa hoggaanka cusub inuu xoogga saaro mideynta Xildhibaanada iyo in Golaha Shacabka uu si hufan u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa hadda si rasmi ah u bilaabaya shaqada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana soo dhaweyntiisa ka qaybgalka madaxda qaranka loo arkaa fariin ku saabsan muhiimadda xilka iyo marxaladda cusub ee Golaha Shacabka.
Xaflada casho sharafta waxaa ka hadlay madaxda qaranka iyo xubno kale.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda ka jeediyay hadallo uu kaga hadlay muhiimadda Baarlamaanka iyo doorka uu ku leeyahay dhismaha hay’adaha dowliga ah, hirgelinta shuruucda iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya, iyadoo sidoo kale lagu soo dhoweeyay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.
Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka hadlay soo dhoweynta Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa sheegay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu yahay hay’ad laf-dhabar u ah dhismaha Qaranka, hirgelinta shuruucda dalka iyo adkaynta dowladnimada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu caawa ku baahiyay baraha bulshada, kaddib markii uu ka qeyb galay munaasabad casho-sharaf ah oo lagu soo dhoweynayay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa Guddoomiyaha cusub, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Alle uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday iyo hoggaaminta Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, isagoo xusay kaalintii uu muddadii uu hoggaaminayay Golaha ka qaatay hirgelinta qorshayaasha Qaranka, dhammaystirka Dastuurka iyo ansixinta shuruucdii ay Xukuumaddu u soo gudbisay Golaha.
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xilka la wareegaya xilli Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu wajihi doono hawlo siyaasadeed iyo sharci-dejin oo muhiim u ah marxaladda dalka uu ku jiro.
Munaasabadda casho-sharafta ayaa sidoo kale fursad u ahayd madaxda sare ee dalka inay ku bogaadiyaan hoggaankii hore ee Golaha Shacabka, isla markaana ay soo dhaweeyaan hoggaanka cusub iyo mas’uuliyadda loo igmaday.
