Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa shir jaraa’id ku qabtay bartamaha Afar-irdoodka magaalada Baydhabo, halkaas oo ay faahfaahin ka bixiyeen xaaladda amni ee magaalada iyo weerar saaka lagu qaaday duleedka Baydhabo.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in maleeshiyaad hubeysan ay saaka weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ciidamada amniga ku leeyihiin duleedka magaalada, balse ay ciidamada dowladda si degdeg ah uga jawaabeen weerarka, isla markaana ay qaadeen tallaabooyin amni oo looga hortagayo in kooxaha weerarka soo qaaday ay kusoo dhowaadaan magaalada.
Wasiirka Amniga ayaa sheegay in xaaladda amni ee Baydhabo ay gacanta ugu jirto ciidamada dowladda, isagoo shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan, kana fogaadaan goobaha ay hawlgalladu ka socdaan.
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa isna sheegay in maamulka degmada iyo laamaha amniga ay si dhow ula socdaan xaaladda, isla markaana la xoojinayo amniga gudaha magaalada iyo waddooyinka muhiimka ah.
Mas’uuliyiintu ma bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay iska horimaadka, waxaana weli socda xaqiijinta xogta ku saabsan xaaladda duleedka magaalada.
Wariyaasha ayaa xaqiijiyay inay arkayaan meeydad iyo dhaawacyo daadsan wadooyinka magaalada iyo xaafadaha lagu dagaalamay, sidoo kale waxaa jira askar gacanta lagu dhigay.
Baydhabo ayaa maalmahan wajahaysay xaalado amni oo u baahan feejignaan dheeraad ah.
Shirkii toddobaadlaha ahaa ee amniga Koonfur Galbeed ee magaalada lagu qabtay 13 Agoosto ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo hawlgallada laamaha amniga.
Waxaa la filayaa in maamulka Koonfur Galbeed uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo weerarka iyo tallaabooyinka amni ee la qaaday marka xogta si rasmi ah loo xaqiijiyo.
halkan hoose kadaawo hadalka wasiirka iyo gudoomiyaha magaalada baydhaba
