Afgooye: Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdiraxiin Maxamed Ibraahim, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiirka ayaa xarunta degmada kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Degmada Afgooye, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga Gobolka, Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed, Taliyaha Daraawiishta Guutada Koowaad, Taliyaha Saldhigga Degmada, Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada, garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyeyaasha.
Kulanka ayaa si gaar ah loogu lafa-guray horumarinta adeegyada caddaaladda ee gobolka Shabeellaha Hoose, caqabadaha ka jira degmada Afgooye iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha garsoorka iyo amniga.
Intaas kaddib, Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyay xafiisyada iyo xarumaha muhiimka ah ee degmada, isagoo booqday Saldhigga Booliska, Maxkamadda Degmada, Xabsiga Asluubta iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Wasiir Cabdiraxiin ayaa bogaadiyay shaqada ay hay’adahaasi bulshada u hayaan, wuxuuna ballanqaaday in Wasaaradda Cadaaladda ay si dhow ula shaqeyn doonto maamulka degmada iyo bahda garsoorka.
Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada caddaaladda ee gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka la gaarsiiyo garsoor hufan, daahfuran oo aan dib-u-dhac lahayn.
Wasiirku wuxuu Guddoomiyaha Degmada, taliyeyaasha qaybaha kala duwan iyo bahda garsoorka uga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen, isagoo ku adkeeyay in Wasaaradda Cadaaladdu ay ka shaqeynayso helitaanka garsoor ka madax-bannaan musuqmaasuqa iyo cadaalad si siman loogu adeego bulshada.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa bahda garsoorka Koonfur Galbeed kula dardaarmay Alle ka cabsi, dhowrista shuruucda dalka iyo gudashada waajibaadka shaqo, si kor loogu qaado kalsoonida shacabka ee nidaamka garsoorka.
Ugu dambeyn, Wasiir Cabdiraxiin Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in cadaalad hufan ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee dowladnimada, isla markaana loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo hagaajinta nidaamka garsoorka, xoojinta isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta, iyo kor u qaadista tayada adeegyada caddaaladda ee loo fidiyo bulshada.





