
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Hakainde Hichilema, kaddib markii uu mar kale ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee dalka Zambia.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Madaxweynaha dib loo doortay u rajeeyay guul iyo horumar inta uu gudanayo muddadiisa labaad, isagoo muujiyay sida Soomaaliya ay muhiim ugu aragto xiriirka ay la leedahay Zambia.
Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu xaqiijiyay ka go’naanshaha dowladda Soomaaliya ee xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan arrimaha labada dhinac, kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ay danaha wadaagaan.
Hambalyadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka Afrika, iyadoo xoogga la saarayo nabadda, amniga, horumarka iyo iskaashiga gobolka.
