Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in farriinta ugu weyn ee socdaalkiisa Galmudug ay tahay xoojinta nabadda, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay kulan qadeyn ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in socdaalkiisa uu diiradda ku saarnaa la kulanka bulshada iyo madaxda Galmudug, iyadoo laga wada hadlay horumarka iyo caqabadaha ka jira dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhinacyada amniga, dowlad-dhiska iyo xoojinta hay’adaha dowladda, isaga oo xusay in dadaalladaasi ay muhiim u yihiin in dalka loo horseedo xasillooni iyo horumar waara.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhammaystirka Dastuurka iyo hirgelinta nidaamka doorashooyinka tooska ah, oo uu sheegay inay qayb muhiim ah ka yihiin dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed oo ku dhisan rabitaanka shacabka.
Socdaalka Madaxweynaha ee Galmudug ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyadu ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo wada shaqeynta, amniga iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bulshada ugu baaqay in la ilaaliyo nabadda, midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyay in horumarka dalka uu ku xiran yahay iskaashi iyo isku duubni loo dhan yahay.




