Wararka laga helayo deegaanka Quracjoome ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in nin ajaanib ah oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab uu isku dhiibay Ciidamada Difaaca Deegaanka ee halkaasi.
Sida xogta la helayo lagu sheegay, ninkan ayaa si sharci-darro ah kooxda Al-Shabaab ugu soo gelisay gudaha Soomaaliya, isagoo markii dambe ka mid noqday dagaalyahannada kooxda.
Is-dhiibistiisa ayaa lagu tilmaamay tallaabo muujinaysa in qaar ka mid ah xubnaha ajaanibta ah ee ku biiray Al-Shabaab ay ka niyad-jabayaan kooxda, isla markaana ay raadinayaan waddo ay kaga baxaan dagaallada iyo falalka amni-darrada ah.
Ciidamada Difaaca Deegaanka ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen ninkan, waxaana la filayaa in baaritaanno lagu sameeyo si loo ogaado dalkiisa, muddada uu Soomaaliya joogay, kaalintii uu kooxda ka hayay iyo qaabkii Al-Shabaab dalka ugu soo gelisay.
Quracjoome ayaa ka mid ah deegaannada muhiimka ah ee gobolka Bakool, waxaana deegaanka iyo waddooyinka ku dhow muddooyinkii hore ka dhacay howlgallo ciidan oo lagu xaqiijinayo ammaanka.
Warbaahinta dowladda ayaa hore u sheegtay in waddada isku xirta Quracjoome iyo Xuddur ay ciidamada ka sameeyeen howlgallo amni iyo miino-sifeyn ah.
Is-dhiibidda dagaalyahan ajaanib ah waxay ciidamada iyo hay’adaha amniga siin kartaa fursad ay ku helaan xog dheeraad ah oo ku saabsan shabakadaha Al-Shabaab, dhaqdhaqaaqa xubnaha ajaanibta ah iyo hababka ay kooxda ugu soo gudbiso Soomaaliya.
Faahfaahin dheeri ka eeg sawirka lifaaqa hoose xogta magaca, dhalashada iyo xilka uu kooxda ka hayay xogo intaas ka dheeri ah xogtaas waa in laga war sugaa laamaha amniga quracjoome iyo taliska ciidanka xooga quracjoome ilaa ay soo baxaan ilo rasmi ah.*

