Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoyga uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Idiris Nuur Cabdi iyo Deeqa Cali Muktaar oo ka mid ah ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare ee Qaranka.
Hoggaamiyaha ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay labada arday, isagoo ku ammaanay dadaalkooda, kartidooda iyo natiijada wanaagsan ee ay ka keeneen imtixaanka qaranka.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xusay in guusha ay gaareen Nuur Cabdi iyo Deeqa Cali ay sharaf u tahay qoysaskooda, bulshada Koonfur Galbeed iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dadaalka waxbarasho, aqoontoodana uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkooda.
Hoggaamiyaha ayaa Alle uga baryay labada arday inuu u fududeeyo marxaladaha xiga ee waxbarashadooda, kana dhigo kuwo mustaqbalka door muuqda ka qaata horumarka iyo dib-u-dhiska Dalka gaar ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.Qaabilaada Hogaamiyaha waxaa kala qeybgalay Wasiirka Waxbarashada, Agaasimaha Madaxtooyada, Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada iyo Waalidiinta Ardayda.——— “DHAMMAAD”Wixii Faafaahin ah kala xariir Xafiiska Warfaafinta iyoXiriirka Dadweynaha Wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo taclinta sare ee DKGS.Abdimalik Mohamed
