
Culimaa’udiinka Koonfur Galbeed ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada iyo iska horimaadyada hubeysan ee ka dhacay magaalada Baydhabo, iyagoo dhinacyada isku haya ugu baaqay inay ilaaliyaan nabadda iyo badbaadada shacabka.
Baaqan culimada ayaa ku soo beegmaya xilli Baydhabo ay 17-kii Agoosto ka dhaceen dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamo dhinacyo kala duwan ah, iyadoo wararka laga helayay magaalada ay tilmaamayeen in rasaas iyo hub culus laga maqlayay qaybo ka mid ah magaalada.
Culimada ayaa carrabka ku adkeeyay in khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni aan lagu xallin karin xoog iyo dagaal, balse loo baahan yahay in dhinacyadu miiska wada-hadalka isugu yimaadaan, si looga fogaado dhiig dambe oo ku daata magaalada iyo dhibaato soo gaarta shacabka.
Waxay sidoo kale ugu baaqeen dadka deegaanka, waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo dhammaan dhinacyada siyaasadda inay ka shaqeeyaan dejinta xiisadda, isla markaana ay garab istaagaan dadaallada lagu doonayo in lagu soo celiyo xasilloonida Baydhabo.
Dagaalladii ka dhacay Baydhabo ayaa sidoo kale sababay cabsi iyo barakac ay sameeyeen qaar ka mid ah dadka rayidka ah, sida ay soo sheegeen warbaahinta gudaha.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in ciidamadeedu ay ka hortageen weerar lagu soo qaaday fariisimahooda, halka dhinaca Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu isna sheegay in ciidamadiisu ay ku hawlanaayeen sugidda amniga iyo xasilloonida magaalada.
Culimaa’udiinka ayaa ugu dambeyn ku adkeeyay dhammaan dhinacyada in la joojiyo xabbadda, lana ilaaliyo nolosha iyo hantida shacabka, iyagoo ku baaqay in khilaafka lagu dhammeeyo wada-hadal, is-qancin iyo nabad.
https://x.com/Warsannews/status/2090528979069399464
