
Maamulka Gobolka Bakool ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in hub lala galo gudaha garoomada diyaaradaha iyo goobaha muhiimka ee ku yaalla Gobolka Bakool.
Amarkan ayaa khuseeya dhammaan bulshada, masuuliyiinta, ciidamada iyo cid kasta oo isticmaasha garoomada diyaaradaha gobolka, iyadoo laga doonayo in si buuxda loo ixtiraamo xeerarka iyo habraacyada amniga garoomada.
Maamulka ayaa sheegay in amarkan uu dhaqan gelayo laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka Agoosto 2026, iyadoo tallaabadan looga gol leeyahay xoojinta amniga iyo kala dambeynta gudaha garoomada diyaaradaha.
Sidoo kale, maamulka Gobolka Bakool ayaa faray ciidamada amniga ee garoomada inay si adag u fuliyaan amarka, isla markaana tallaabo ku habboon ka qaadaan qof kasta oo lagu helo isagoo jebinaya xeerkan.
Sidoo kale Maamulka ayaa ugu baaqay dhammaan dadka isticmaala garoomada inay si wanaagsan ula shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna u hoggaansamaan awaamiirta lagu sugayo amniga iyo badqabka garoomada diyaaradaha.

