Waxaa maanta Xaafadda Wadajir ee magaalada Baydhabo ka bilowday olole nadaafadeed, kaas oo looga gol leeyahay xoojinta nadaafadda deegaanka, hagaajinta bilicda magaalada iyo wacyigelinta bulshada ee muhiimadda ay leedahay ilaalinta nadaafadda.
Ololahan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo loogu horumarinayo nadaafadda iyo bilicda magaalada, iyadoo bulshada lagu dhiirrigelinayo inay si joogto ah uga qeybqaataan nadiifinta xaafadahooda, waddooyinka iyo goobaha adeegyada bulshada.
Intii uu socday ololaha, waxaa xoogga lagu saarayay nadiifinta waddooyinka, goobaha dadweynaha iyo meelaha ay ku ururaan qashinka.
Sidoo kale, bulshada xaafadaha ayaa lagu wacyigeliyay muhiimadda ay leedahay in qashinka si habboon loo ururiyo, lagana fogaado in lagu daadiyo waddooyinka iyo goobaha aan loogu talagelin.
Mas’uuliyiinta Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada ahna Duqa Magaalada, Mudane Ibraahim Maxamed Nuur Kalaay, ayaa sheegay in nadaafaddu aysan ahayn oo keliya mas’uuliyad saaran dowladda, balse ay tahay waajib ay si wadajir ah u leeyihiin dowladda iyo bulshada.
Mas’uuliyiintu waxay bulshada ugu baaqeen inay ilaashadaan nadaafadda xaafadahooda, isla markaana ay ka qeybqaataan badqabka iyo caafimaadka bulshada.
Ugu dambeyn, Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo ayaa ugu baaqday dhammaan shacabka magaalada inay kaalin muuqata ka qaataan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda deegaanka, si loo gaaro Baydhabo nadiif ah, bilicsan oo caafimaad qabta.







