Baydhabo – Magaalada Baydhabo waxaa lagu qabanayaa oo welli kasocda munaasabad lagu xusay dhalashada Nabigeenna Muxammad (NNKH), taas oo ay ka qeyb galeen culimo, aqoonyahanno, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dadweyne si weyn u soo buux dhaafiyay goobta munaasabaddaha.
Munaasabaddahan ayaa lagu soo bandhigay qisooyin, salaan iyo qudbado diini ah oo looga hadlayay dhalashadii, taariikhdii iyo noloshii suubbanayd ee Rasuulka Alle Muxammad (NNKH).
Intii ay munaasabaddaha socotay, Maxamed Cawil Daahir ayaa qaaday Saliga Nabiga (NNKH), Halkan hoose kadaawo linkiga
https://www.facebook.com/share/v/1CG4JeuBtg/
Dhanka kale iyadoo goobta laga dareemayay jawi diini ah iyo xus ku saleysan jacaylka iyo qadarin loo hayo Rasuulka Alle (NNKH).
Sidoo kale, Sheekh Cabdullaahi Diinoow ayaa qudbad uu ka jeediyay munaasabadda kaga hadlay dhalashadii Nabi Muxammad (NNKH), taariikhdiisa iyo dhacdooyinkii muhiimka ahaa ee noloshiisa.
Sheekh Shariif Maxamuud ayaa isna bulshada xusuusiyay muhiimadda ay leedahay barashada taariikhda iyo siiradii Rasuulka Alle (NNKH).
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in fahamka nolosha Nabiga (NNKH) uu bulshada ka caawinayo ku dhaqanka akhlaaqda wanaagsan, sunnada iyo hanuunka uu dadka u horseeday.
Dhanka kale, Sheekh Maxamed Biyooleey ayaa qudbaddiisa diiradda ku saaray dhalashadii Nabi Muxammad (NNKH) iyo taariikhda nololeed ee Rasuulka Alle (NNKH), isagoo tilmaamay casharrada laga baran karo noloshiisa, dulqaadkiisa, naxariistiisa iyo sida uu ugu dhaqmi jiray akhlaaqda wanaagsan.
Culimada ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqay in xuska Nabiga (NNKH) uusan ku koobnaan munaasabad oo keliya, balse uu noqdo fursad lagu barto siiradiisa, laguna xoojiyo ku dhaqanka akhlaaqdiisa iyo sunnadiisa.
Munaasabaddaha ayaa socon doonta maalmahan soo socota ayadoo lagu soo bandhigi doono salaan iyo duco loo jeedinaayo Nabigeenna Muxammad (NNKH), iyadoo ka qeybgalayaashuna ay muujinayaan farxad iyo qadarin ku aaddan xuska dhalashadiisa.
Dhamaan qudbadahaas oo dhameystiran waxaan ka daawan kartaa page ka facebook Warsan tv










