
Wasiir-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Nuuro Mustaf, ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyey ardayda Soomaaliyeed ee maanta gaartay heerar kala duwan oo waxbarasho.
Wasiir-dowlaha ayaa sheegay in ardaydu yihiin rajada iyo mustaqbalka dalka, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan dadaalka waxbarasho, aqoontooda iyo kartidoodana ugu adeegaan horumarka Soomaaliya.
“Waxaad tihiin ubixii dalka, maanta inaad heerkan soo gaartaan waan ku faraxsanahay,” ayuu yiri Wasiir-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS Nuuro Mustaf.
Waxay sidoo kale tilmaamtay muhiimadda ay waxbarashadu ay leedahay dhismaha jiil aqoon leh oo awood u leh inuu wax ka beddelo mustaqbalka dalka, iyada oo waalidiinta iyo macallimiinta uga mahadcelisey doorka ay ka qaateen garab istaagga iyo kobcinta aqoonta ardayda.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saarayso tayeynta waxbarashada, dhiirrigelinta ardayda iyo abuurista fursado waxbarasho oo horseeda horumar waara.
Ardayda ayaa iyagana lagu boorriyey inay noqdaan kuwo ku suntan dadaal, anshax, aqoon iyo waddaniyad, si ay mustaqbalka ugaalin muuqata uga qaataan horumarinta Soomaaliya.
