Dhismaha Terminalka cusub ee Garoonka Diyaaradaha Dr. Shaati-Gaduud ee magaalada Baydhabo ayaa maraya marxalad aad u wanaagsan, iyadoo sawirrada laga helay goobta ay muujinayaan in shaqada dhismuhu si weyn u horumartay.
Terminalka cusub ayaa leh dhisme casri ah oo ballaaran, muraayado waaweyn, goobo loogu talagalay adeegyada rakaabka iyo kaabayaal gudaha ah oo muujinaya in mashruucu ku dhowaanayo heerka ugu dambeeya ee dhismaha iyo diyaarinta adeegyada.
Dhismahan ayaa muhiim u ah horumarinta adeegyada duulimaadyada ee magaalada Baydhabo iyo guud ahaan Dowladda Koonfur Galbeed, maadaama Garoonka Dr. Shaati-Gaduud uu yahay xarun muhiim u ah isku-socodka dadka, ganacsiga iyo martida u safarta gobolka Baay.
Warbixin hore oo warsan radio soo warisay ah oo soo baxday Febraayo 2025 ayaan ku xusnay in dhismaha Terminalka cusub uu marayay heer wanaagsan, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed xilligaas uu kormeer ku sameeyay shaqada socotay.
Horumarka muuqda ee hadda laga dareemayo goobta ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay in la sii dardargeliyo shaqada, lana hubiyo in Terminalku ku dhammaado tayo iyo waqti ku habboon.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa mudnaanta siinaya horumarinta kaabeyaasha iyo adeegyada muhiimka u ah shacabka.
Waxaa habboon in la bogaadiyo dadaallada lagu dardargelinayo mashaariicda horumarineed ee ka socda Baydhabo.
Si kastaba ha ahaatee, dhismaha Terminalkan waa mashruuc hore u socday, sida xogta 2025 ay muujinayso; sidaas darteed horumarka hadda jira waa in loo aqoonsadaa dadaal is-daba-joog ah oo ay soo wadeen maamulladii kala dambeeyay, iyadoo maamulka hadda jira uu door ka qaadanayo sii wadidda iyo dardargelinta howlaha.



Warsan Radio – Codka Shacabka.
