Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay kulan wadatashi ah oo ay ka qeybgaleen dhammaan jaamacadaha dalka.
Kulankan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa si rasmi ah waxaa u furay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo jaamacadaha dalka, horumarinta tayada waxbarashada sare, iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa qorshayaasha lagu horumarinayo tacliinta sare ee Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta iyo madaxda jaamacadaha ka qeybgalaya kulanka ayaa sidoo kale ka wada hadlay caqabadaha jira, fursadaha lagu horumarin karo nidaamka tacliinta sare iyo sidii loo heli lahaa waxbarasho tayo leh oo la jaanqaadda baahiyaha dalka.
Kulankan ayaa muhiim u ah xoojinta wada shaqeynta dhinacyada kala duwan ee tacliinta sare, iyadoo la filayo in talooyinka iyo aragtiyada kasoo baxa ay gacan ka geystaan horumarinta siyaasadaha iyo qorshayaasha waxbarashada sare ee Soomaaliya.





