Hay’adda GREDO Somalia ayaa dib u dayactirtay oo casriyeysay afar ceel-biyood oo gacmeed oo muhiim ah oo ku yaalla degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Mashruuca oo ay maalgelisay Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Talyaaniga (AICS) ayaa ceelasha lagu qalabeeyay nidaamyo ku shaqeeya tamarta qorraxda, haamo biyo oo kor loo taagay iyo goobo bulshada loogu qaybiyo biyaha.
Tallaabadan ayaa sare u qaadaysa helitaanka biyo ammaan ah oo la isku halleyn karo, gaar ahaan dadka ay saameeyeen xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira deegaanka, iyadoo sidoo kale gacan ka geysanaysa caafimaadka iyo fayo-qabka qoysaska ku nool Xudur.
GREDO waxay uga mahadcelisay Plan International iskaashiga ay la sameeyeen, iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Talyaaniga, iyada oo loo marayo AICS, maalgelinta mashruucan muhiimka ah ee Biyaha, Fayadhowrka iyo Nadaafadda (WASH).



