
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada, Mudane H.E. Nur Sidow Baba, Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa yeeshay kulan shaqo oo looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda howlaha Wasaaradda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta qorshayaasha shaqo, tayeynta adeegyada Wasaaradda iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha iyo waaxyaha kala duwan, si loo xaqiijiyo in waajibaadka loo igmaday si hufan loo fuliyo.
Hoggaanka Wasaaradda ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay midnimo, wada-tashi iyo isku-xirnaan maamul, kuwaas oo laf-dhabar u ah hirgelinta qorshayaasha Wasaaradda iyo gaarista yoolalka loo dejiyay.
Ugu dambeyn, hoggaanka Wasaaradda ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda howlaha, si Wasaaraddu ugaalin muuqata uga qaadato horumarinta adeegyada bulshada iyo danta guud.
