Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa casuumaad sharaf iyo dhiirrigelin ah u sameysay 10-ka arday ee ugu sarreeyay Imtixaanka Qaranka ee Sannad Dugsiyeedka 2025–2026.
Munaasabadda ayaa ahayd mid lagu bogaadinayay dadaalka, kartida iyo guusha ay gaareen ardayda, iyadoo Jaamacaddu ku dhiirrigelisay inay sii wataan waxbarashada iyo horumarinta aqoontooda.
Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Mohamed Mohamud Mohamed, ayaa ardayda u jeediyay dardaaran iyo dhiirrigelin, isagoo sheegay in guusha ay maanta gaareen ay tahay bilowga waddo dheer oo waxbarasho iyo mustaqbal wanaagsan ah.
Guddoomiyaha ayaa ardayda ku boorriyay inay si joogto ah u bartaan aqoon dheeraad ah, waqtigoodana geliyaan waxbarashada, horumarinta naftooda iyo ka qaybqaadashada horumarka dalka.
“Maanta waxaad tihiin arday guuleystay, berri waxaad noqon kartaan hoggaamiyeyaasha, aqoonyahannada iyo xirfadlayaasha ay Soomaaliya u baahan tahay,” ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu caddeeyay in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay garab iyo taageero u tahay ardayda, isla markaana ay diyaar u tahay inay ka caawiso sidii ay u gaari lahaayeen himilooyinkooda waxbarasho iyo mustaqbalka ay hiigsanayaan.
Casuumaadda loo sameeyay 10-ka arday ee ugu sarreeyay Imtixaanka Qaranka ayaa muujinaysa muhiimadda ay Jaamacaddu siinayso dhiirrigelinta ardayda Soomaaliyeed iyo kobcinta jiilka mustaqbalka hoggaamin doona dalka.
Guusha ardaydan ayaa sidoo kale dhiirrigelin u noqon karta ardayda kale ee Soomaaliyeed, iyadoo muujinaysa in dadaal, adkaysi iyo waxbarasho joogto ah lagu gaari karo heerar sare.



