
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Fadal Cabdullaahi Mursal, ayaa magaalada Baydhabo ku soo xiray tababar muddo laba sano ah loo waday macallimiinta ka howlgala dugsiyada Dowladda Koonfur Galbeed.
Tababarkan ayaa macallimiintu muddo laba sano ah ku qaadanayeen qaab fogaan-arag ah, halka labadii bilood ee ugu dambeysay ay tababarka si fool-ka-fool ah ugu qaadanayeen magaalada Baydhabo.
Tababarka ayaa diiradda lagu saaray sidii macallimiinta loo siin lahaa aqoon iyo xirfado waxbarasho oo casri ah, kuwaas oo ka caawinaya inay si hufan u gutaan waajibaadkooda waxbaridda iyo horumarinta tayada waxbarashada.
Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ay ka qeybgaleen macallimiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, ayaa Agaasimaha Guud Fadal Cabdullaahi Mursal uu macallimiinta kula dardaarmay inay si wanaagsan uga faa’iideystaan aqoonta iyo xirfadaha ay ka kororsadeen tababarka.
Agaasimaha ayaa sidoo kale ku boorriyey macallimiinta inay sii wadaan dadaalkooda, ayna shaqadooda ku saleeyaan mas’uuliyad, aqoon, hufnaan iyo daacadnimo, si ay door muuqda uga qaataan horumarinta nidaamka waxbarashada iyo mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed.
Waxaa uu xusay muhiimadda ay macallimiintu ku leeyihiin tayeynta waxbarashada, isagoo carrabka ku adkeeyay in aqoonta iyo xirfadaha la helay ay tahay in si toos ah loogu dabaqo fasallada, si ardaydu uga faa’iideystaan.
Tababarka oo socday muddo laba sano ah ayaa loo arkaa tallaabo lagu xoojinayo tayada iyo xirfadda macallimiinta, iyadoo la filayo in aqoonta ay heleen ay kaalin ka qaadato sare u qaadista heerka waxbarashada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.



