
Baydhabo, Koonfur Galbeed Soomaaliya: Waxaa magaalada Baydhabo lagu soo gabagabeeyey shir looga hadlayay horumarinta waxbarashada iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, bahda waxbarashada, macallimiin iyo dhinacyada ay khusayso waxbarashadu.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta tayada waxbarashada, horumarinta manhajka, tayeynta macallimiinta, kordhinta fursadaha waxbarasho iyo sidii loo heli lahaa hannaan waxbarasho oo waara oo ka jawaaba baahiyaha bulshada.
Intii uu socday shirka, waxaa sidoo kale laga hadlay caqabadaha haysta waxbarashada Koonfur Galbeed, gaar ahaan helitaanka waxbarasho tayo leh, kaabayaasha dugsiyada, agabka waxbarashada iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa ardayda iyo macallimiinta.
Shirku wuxuu kusoo dhammaaday war-murtiyeed ay dhinacyadii ka qeyb galay ku caddeeyeen qodobo iyo talooyin muhiim ah, kuwaas oo looga gol leeyahay dardargelinta horumarinta waxbarashada iyo hirgelinta qorshayaal wax-ku-ool ah.
Mas’uuliyiinta ayaa ku adkeeyey muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay horumarka bulshada, nabadda iyo mustaqbalka jiilka cusub, iyagoo ballanqaaday in la sii xoojin doono wada-shaqeynta dhammaan dhinacyada ay khusayso waxbarashada.
Shirka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo go’aan ku aaddan in la sii wado dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan hoose ka daawo warmurtiyeedka:
https://x.com/Warsannews/status/2093326366372405657